MD Xasan oo ka hadlay ka bixitaanka ATMIS , dagaalka Al- Shabaab & khilaafka Puntland.

MD Xasan oo ka hadlay ka bixitaanka ATMIS , dagaalka Al- Shabaab & khilaafka Puntland.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladdda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta la hadlay  shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha  ayaa faahfaahin ka bixiyey  guulaha 7dii bilood ee la soo dhaafay laga xaqiijiyay dagaalka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sanadka 2023 oo uu sheegay inuu noqon doono sanadkii dalka xoroobi lahaa sida uu yiri.

“Dadka Soomaaliyeed waxay maanta u istaageen inay iska qabtaan Khawaarijta, dagaalkaasina meel fiican ayuu maraya oo geba-gebadiisa ayaa dhow. Sanadkaan 2023-ka waxaa rajeynayaa sanadkii Soomaaliya ay u bixi laheyd barwaaqo iyo bash-bash.” ayuu yiri Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ATMIS ciidanka katirsan ay bixi doonaan dhamaadka sanadka 2024 xilligaas oo amniga dalka la wareegi doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS ayaa soo hadal qaaday arin buuq siyaasadeed abuurtay oo aheyd Siciid Deni inuu diiday qodobo ku jiray war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ku yeesheen Muqdisho.

“Arrimaha amniga marka la yiraahdo waxaa hiigsaneyna in dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeeda oo iswata ay xilka amniga dalka iyo dadka si buuxda ula wareegaan bisha December 2024-ka ” ayuu markale yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS ayaa soo hadal qaaday arin buuq siyaasadeed abuurtay oo aheyd Siciid Deni inuu diiday qodobo ku jiray war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ku yeesheen Muqdisho.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in Puntland ay codsadeen wadatashiyo ay lasoo yeeshaan Baarlamaankooda ayna rajo ka qabaan in ay ogolaan doonaan saxiixa qodobadii ay diideen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.