Al – Shabaab oo looga adkaaday deegaano kaabiga ku haya magaalada Jowhar.

Jowhar (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaaalka iyo kuwo deegaanka ayaa lagu  soo waramayaa in ay la wareegeen deegaan kaabiga ku haya Jowhar oo ay ku sugnayeen Al Shabaab.

Howlgal gaar ah oo ciidanka Dowladda ay qaadeen ayay kula wareegeen degaanada Towfiiq ,Bacaadleey, Xaanooley  iyo Jameeco, kuwaas hoostaga degmada Jowhar halkaas oo  sanado badan  gacanta ay  ku hayern kooxda  Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in keliya aysan ku ekaan doonin deegaanadaas hase ahaatee ay qorshaynayaan in hore ugu sii dhaqaaqaan goobaha ay maamulaan Al Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa bulshada ku nool tuulooyinka u sheegay in laga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada iyo Maamulka

Howlgalkan lagula wareegay degaano kuyaalla Bariga magaalada Jowhar ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda howgallo ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Shabeellaa Dhexe ay kula wareegeen degaano ay maamulayeen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.