Ujeedka safarka Guddoomiyaha Barlamaanka ee Puntland.

Raxanreeb ( Muqdisho ) Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa ku sii jeeda deegaanada maamulka Puntland.

War ka soo baxay Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu sheegay in ay la diyaariyay guddi ka qayb- qaata soo dhawaynta Guddoomiyaha Golaha shacbka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in xubnaha sidoo kale ay diyaarin doonaan goobihii ay degi lahayeen wafdi Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka safarka Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu sheegay sidii loo abuuri lahaa jawi ay ku wada shaqayn – karaan Barlamaanka Federaalka iyo kuwo maamul goboleedyada dalka.

RBC oo la xiriirtay xubno ka mid ah xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah in ay ka bixiyaan safarka Sheekh Aadan Madoobe ee Puntland.

In – muddo ahba waxa aan wanaagsanayn xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamul- goboleedka Puntland , lama oga waxa uu safarka Guddoomiye Aadan Madoobe ka tari doono xiriirka labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.