Meydad la gubay oo laga helay xeebaha dalka Liibiya.

Meydad la gubay oo laga helay xeebaha dalka Liibiya.

Raxanreeb ( Libiya ) Wararka laga helayo xeebaha dalka Liibiya ayaa sheegaya in halkaas laga helay 15 ka mid ah maydadka dad doonayay in ay ka gudbaan xeebaha dalkaas si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Dadkan oo si xun loo gubay ayaa laga helay meel ku dhow magaalada Sabratha ee waqooyi galbeed halkaas oo marin u ah dadka Tahriib doonka ah.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda ICRC ayaa sheegay in dadka la gubay intooda badan ay u badnayeen dad Afrikaan ah oo nolol doon u ah dalalka Yurub si ay u helaan nolol ka wanaagsan tan ay ku haystaan qaaradda.

Muqaalo lagu baahiyay – baraha bulshada ayaa muujinayay muuqaal doon gubaneysa oo u muuqata inay ay ahayd tii meydadka laga helay.

Halka masiibadan ka dhacday ayaa ah meel inta badan ay ka baxaan dadka Tahriib doonka ah kuwaas oo mararka qaar u gacan gala kooxaha magafayaasha ee ka ganacsada Tahriibinta.

Dhowr qof oo meyd ah ayaa sidoo kale la helay iyagoo ku dhex gubtay doon yar oo ah tii ay raaci lahaayeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda bisha cas.

Dalka Liibiya waxaa ku sugan dhanka kale dhallinyaro badan Soomaaliyeed kuwaas oo doonaya in ay qaab Tahriib ah kaga baxaan dalka Liibiya oo ah marin dadku ay ku gaaraan dalalka Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.