Barihii Bulshada waddaadka mayalka adag Xasan Daahir oo Hawada laga saaray.

Raxanreeb (Muqdisho ) Sida ay ku waramayaan ilo xog – ogool ah Xasan Daahir Aways oo Dowladda Federaalka Xabsi guri dhigtay muddo sagaal sano ka hor ayaa khadka Internet-ka laga jaray isla markaana hawada laga saaray barihii bulshada uu lahaa .

Baraha bulshada ee hawada ka saartay dowladda Soomaaliya waxaa ku jira barihii uu Facebook iyo Youtube ku lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda u xiran ,balse wali taageersan afkaarta Al Shabaab kana soo horjeeda hab maamulka dowladda.

Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa Hoggaamiyaasha Al- Shabaab , Xisbul Islaam iyo Maxkamadihii ayaa inta uu ku jiray xabsiga guriga Dowladdu ay u ogolayd in uu adeegsato Internet- ka halkaas oo si toos ah ugula hadli jiray shacabka.

Arintan ayaa timid ka dib markii Xasan Daahir dhawaan si kulul uga hadlay dilka wiil uu dhalay oo la sheegay inuu baabuur la saarnaa Nadiir oo aad loo doon- doonayay kaas oo ay bartilmaadsadayn diyaaraha Mareykanka.

Xasan Daahir ayaa muuqaal uu soo duubay si kulul uga hadlay dilkaas , waxaana ka muuqatay xiligaa sidaa uu uga xun yahay weerarkaas isagoo laga dareemayay in wali Xasan daahir uu aad – ugu ad-adag yahay fakarka xagjirnimada ah.

Muuqaalka Xasan Daahir Aways ayaa dhaliyay muran xoogan oo qabsaday baraha bulshada , waxaana dadka qaar Dowladda ay ku dhaliileen sida ay u eeganayso Xasan Daahir oo faafinaya fakaradaha xagjirka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.