Muqdisho ( Raxamreeb Online) Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ah milkiilaha Elite Hotel, ayaa ka hadlay hubka ay galabta laamaha amniga ku soo bandhigeen hotelkiisa, waxa uuna sharaxaad ka bixiyay in habka ay dowladda ula shaqan tahay in ay tahay mid aad loogu xumaado, laguna sumcad dilayo goobtiisa ganacsi.
Wasiirka ayaa sheegay in hotel-kiisu sii xirnaan doono, isagoo xusay in uusan haatan jirin jawi uu ku sii wadi karo shaqada ganacsiga. Waxa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in hub aan shaqo ku lahayn hotelka lagu soo bandhigay gudaha xarunta si loo dhaawaco sumcadda goobta.
Cabdullaahi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay go’aankan, maadaama uu si toos ah u saameynayo in ka badan 150 shaqaale ah oo ka shaqeynayay hotelka, kuwaas oo isugu jiray xirfadlayaal iyo dad badan oo qoysaskoodu ku tiirsanaayeen dakhliga ay halkaasi ka helaan, kuna jireen Ajaaniib.
Sidoo kale Cabdullaahi, ayaa sheegay in wax laga xumaado in ay tahay hay’adihii amniga ee la rabay in ay ilaaliyaan amniga iyo sumcada ganacsiga in ay kusoo duleen ganacsiga ayna burburiyaan, waxa uuna xusay in qof dagan magaalada in dowladda uusan ka difaaci karin haddii ganacsiga lasoo weeraro.
Sikastaba, Elite Hotel ayaa ka mid ahaa hoteellada ugu caansan uguna mashquulka badan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana habeen walba ku caweeyn jiray dhallinyaro Soomaaliyeed.

Leave a Reply