Muqdisho ( Raxanreeb Online) Mucaaradka Soomaaliya ayaa markale ku dhawaaqay banaanbax ka dhan dowladda Soomaaliya, kaasi oo ka dhici doona degmooyinka gobolka Banaadir.
Qoraalka kasoo baxay golaha mustaqbalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha waqtigiisa si dhamaanayo uu hor-istaagay banaanbax nabadeed oo shalay ay soo abaabuleen madasha mucaaradka, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.
“Dastuurka kumeel gaarka ah qodobadka 20-aad ayaa dhigaya, in qofkata uu xaq u lee yahay inuu abaabulo kana qeyb galo , kulamo ama banaanbaxyo si xasilooni ah cabasho lagu muujinayo iyada oo ogolaansho loo baahnayn” ayaa lagu yiri qoraalka mucaaradka.
Sidoo kale qoraalka mucaaradka ayaa lagu sheegay in banaanbaxa nabadeed uu dhici doono 16-ka may, waxa ayna ka digeen in madasha ay aqbali doonin isku day kasta oo dowladda waqtigeeda sii dhamaanayo ay ku xadideyso banaanbaxa nabdeed.
Hoos Akhriso qoraalka oo dhameystiran



Leave a Reply