Mucaaradka oo shaaciyay in banaanbaxa uu ka dhici doono hal meel

Mucaaradka oo shaaciyay in banaanbaxa uu ka dhici doono hal meel

Muqdisho (Raxanreeb Online) Shir jaraa’id oo uu goordhaweyd madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ku qabtay hoyga Muqdisho uu ka deggan yahay, ayaa waxa uu kaga hadlayo abaabulka banaanbaxa iyo waxa iska badal goobihii ay markii hore u asteyeen.

Shariif ayaa sheegay in markii ay wax badan ka fiiriyeen ay go’aansadeen  in banaanbaxa uu ka dhaco halmeel oo ah xarunta Ciyaaraha ee Koonis ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay Sheekh Shariif in banaanbaxa uu bilaaban doono 11:00 AM barqanimo, isla markaana waxa uu shacabka ugu baaqay in ay goobta isugu yimadeen ayna muujiyaan shuruuctooda.

Hadalka madaxweyne Shariif ayaa imaanay, xili dowladda Soomaaliya ay ciidamadii ugu badnaa hordhigtay hoyga uu xaafada Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis ka deggan yahay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala socon

Leave a Reply

Your email address will not be published.