Mucaaradka Puntland oo sheegay in si iskood ah u qabanayaan doorasho

Mucaaradka Puntland oo sheegay in si iskood ah u qabanayaan doorasho

Garoowe (Raxanreeb ) War ka soo baxay xubnaha mucaaradka maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay  ak walaacsan yihiin hubanti la’aanta doorasho ee Puntland .

War maanta oo Talaada ah ka soo baxay mucaaradka maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay qaban doonaan doorasho madax banaan oo si iskood ah .

Qoraalka ka soo baxay  mucaaradka ayaa lagu sheegay in ay u muuqato in Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamanayo ee Puntland Saciid DENI uusan diyaar u ahayn in doorasho uu qabto.

“31 December waxa aan soo xulaynaa xildhibaannada Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana waxa la dooranayaa 8-da Jenuary, xilligeedii.”

HOOS KA AKHRIS WARSAXAFADEEDKA

Leave a Reply

Your email address will not be published.