Muhiim ma tahay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ?

Muhiim ma tahay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan u jeedkiisu ahaa maaraynya hubka iyo rasaasta iyo halka ay marayso qorshaha ah in Soomaaliya laga qaado cuna- qabataynta.

Waxaa laga sheegay gaba- gabada shirkan la iskula meel dhigay habraacyada loo marayo qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya taas oo soo martay heerar kala duwan.

Lataliyaha oo xiritaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen dardar galinta qorsheyaal muddeysan iyo habraacyo loo marayo geeddi socodka qaadista Cuna-qabateynta hubka ee waqtiga dheer saaran Soomaaliya.

Haddii Soomaaliya loo fasaxo hubka walaaca ayaa ah in hubka uu gacanta u galo kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab.

Markii ugu horraysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ku soo rogo cunaqabatayn guud oo dhanka hubka ah ayaa aheyd dabayaaqadii bishii Janaayo, 1992.

Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista Cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista Cuna-qabataynta hubka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.