Raxanreeb : Bisha barakeysan ee Ramadaan oo lasoo dhaweeyay

Raxanreeb : Bisha barakeysan ee Ramadaan oo lasoo dhaweeyay

Muqdisho (Raxanreeb ) Ramadaan waa bisha sagaalaad ee sanadka Islaamka, waa bisha ugu fadliga badan, waa bisha min waberi ilaa qorrax dhac ay Muslimiintu ka Soomaan cunista, cabidda sidoo kale ficillo soomka burinya.

Waa xilli nafta la xakamaynaayo, muslimiintu waxay hiigsanayaan cibaado iyo xiriir adag inay la yeeshaan Alle, waxayna tan ku sameeyaan sida ugu wayn salaadda iyo akhrinta Quraanka, ka dhigista ficilladooda mid aan istutus lahayn, ka fog xanta, beenta, IWM.

Waa  bisha Qur’aanka oo qof kasta oo muslim ah laga sugaayo inuu waajibaadkaas u guto sida ilaah u faray, fadliga iyo khayrka ku jiraana uu ugu kasbado sida uga saraysa.

Waxaa maanta laga sooman yahay dunida Islaamka gaar ahaan deegaanada Soomaalida, kadib markii la arkay bilashada bisha Ramadan. Dalka Djibouti wuxuu ka mid yahay deegaanada Soomaalida ee sida weyn looga soo dhoweeyey curashada bisha Ramadan.

Madaxda ugu saraysa dalka ayaa hambalyo ku aadan maalintan waxa ay u direen ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan , iyaga oo u rejeeyay in nabad ay ku soomaan.

Waxa ay ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay is caawiyaan oo ilaaliyaan nabadda iyo kala danbaynta , taas oo ay sheegeen in ay tahay waxa keliya lagu gaari karo nabad iyo barwaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.