MUQDISHO : Amni lagu cayaaraya-Ma NISA loogu guul-wadaynayaa  ?

MUQDISHO : Amni lagu cayaaraya-Ma NISA loogu guul-wadaynayaa  ?

Muqdisho (Raxanreeb )  Dowladda Soomaaliya wali way la tacaalaysaa wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho , waxa ka dhacaya meelo badan oo caasimadda ah dilalka lala eegto dadka rayid ah.

Ciidanka inkastoo ay wadaan howlgal amniga ay ku sugayaan , hadana waxaa socda isbedel  Dowladdu ay ku samaynayso Hay’adaha amniga si ugu  yaraan wax looga qabto ammaanka caasimadda.

Maalmahan dambe si loo marin habaabiye amniga caasimadda loona duugo sida uu amniga yahay ayaa waxaa soo baxay dhallinyaro abaabulan kuwaas oo muuqalo iyo sawira isaga soo qaadayo goobaha ay ka jiraan amni darrada.

Dadkan ayaa u  sheegaya dadka  gudaha aan joogin ee aan xaalka ka warhayn in amniga uu yahay mid wanaagsan goob kasta oo magaalada ahna la tagi karo , iyaga oo sheegaya in NISA arintaas sabab ay u ahayd.

Shalay dhinac ka mid ah magaalada waxaa lagu dilay Guddoomiye dhallinyaro  degmada Dharkanlay , dhan kale- na iyadoo dhiigaas uu qoyan yahay ayaa laga sheegayay in NISA amniga wax badan ay ka qabatay.

Waxa lagu tilmaamay , arimahan , kuwa  loogu gol – leeyahay in lagu qariyo , fashilka shaqsiyaad gaar ah oo lagu doonayo in bulshada loo sheego in masuulkaas uu wax badan u hayo shacabka .

Amniga  in lagu cayaaro ayaa dad badan , u arkayaan dhallinyaradan la soo abaabulay ee hareeraha ay ka wardiyaynayaan ciidamo  fara badan oo Hay’adda NISA ah sida ay sheegaan dad ololahan ka qayb qaatay.

Midkoodna kuma  jiro dhallinyarada Ololahan iyo iibgan u samaynaya Haya’dda NISA mid degan , Suuqa xoolaha ama xitaa meel u dhaw , Qolal bay- ka degan wadda Maka- Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Ololahan loo samaynayo shaqsiyaad gaar ah ayaa la rumaysan yahay in ay lumin karto , masuuliyadda masuulka loo guldwaynayo  iyo tan amniga caasimadda oo allow sahal ah dhan kasta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.