Doorashada Turkiga oo gaba gaba maraysa & Rejada Erdogan

Doorashada Turkiga oo gaba gaba maraysa & Rejada Erdogan

Ankara (Raxanreeb ) Magaalooyinka waa wayn ee dalka Turky-ga waxaa ka jira Ololihii ugu danbeeyay ee doorashada Madaxtinimada dalkaas , iyadoo ay marayso heer gaba- gaba ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ah hoggaamiyaha ugu awoodda badan ee Dalkaas kana tirsan Xisbiga Talada haya ayaa dedaal dheeraad ah geliyay sidii Xisbigiisa uu markale u maamuli lahaa Turky-ga.

Maalinta barri oo taariikhdu ay ku beegan tahay 14-ka bisha May ayaa waxaa lagu wadaa in guud ahaa dalka ay ka dhacdo doorashada guud, shacabka dalkaa ayaa sanakaan  tilmaamay doorashadii Qarniga.

Caqabado kala duwan oo dhanka Dadka codeynaya ayaa lasoo calaamadeeyay inkasta oo uu Guddiga u xilsaaran howshaan uu sheegay in uu wax ka qaban doonno dhammaan tabashooyinka kasoo laabtay goobaha lagu codeynayo.

Doorashada Turkiga ayaa ah mid indhaha lagu wada hayo natiijada ka dhalan kartii haddii uu ku guuleysan karo Xisbiga Talada Haya iyo haddii looga adkaan karo si meesha looga saaro maamulka waqtiga dheer jooga.

Waxaa jira caqabado badan oo ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, sicir barar baahsan, iyo musiibadii dhacday bishii February ee labada dhulgariir.

Mucaaradka ayaa hadda u mideysan sidii ay uga adkaan lahaayeen Erdogan.

Isbaheysiga ka kooban lixda xisbi ee uu hoggaaminayo Kilicdaroglu ayaa waxaa ka jira dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xubno horey xulufo la ahaa Erdogan

Leave a Reply

Your email address will not be published.