Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada muqdisho waxaa ku soo badanaya dilalka ay gaysanayaan ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Saacadihii la soo dhaafay waxa magaalada Muqdisho ka dhacay dilalka dhawr qof oo intooda badan ay gaysteen askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Saraakiiisha ciidanka ayaa sheegaya in ay wadaan baaritaano ku aadan dilalka lala eegnayo dadka shacabka ah ee ka dhaca caasimadda.
Maanta oo arbaca ah toogasho ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo loo gaystay qof shacab ah.
Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi, waxaana gaystay askari ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Waxaa muuqanaya in xargaha ay goysteen dilalka ay fuliyaan ciidanka dowladna mana jirto wax daba gal ah oo lagu sameeyay dhacdooyinka.
Inta badan saraakiisha dowladda ayaa sheega in ay wadaan howlgal ay ku soo qabanayaan dadka falalkan u gaysta rayidka.
Leave a Reply