Beledwayne (Raxanreeb )- Raxanreeb.com wararka uu ka helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas maanta oo Arbaca ah uu ka dhacay qarax lala eegtay dad shacab ahaa kuwaas oo safar ahaa.
Gaari nooca dadwaynaha ayaa la sheegayaa inuu qaraxa uu ku haleelay inta u dhaxaysa , Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo ee koonfur Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay 3 qof halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo loo qaaday isbitaal ku – yaala degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi qaraxa ah ee lala eegtay dadka shacabka ah.
Dhanka kale saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta deegaanka kama hadlin dhacdadan xanuunka badan ee ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Belexaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.
Dhawr jeer sidan oo kale gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa miino kula kacday deegaano ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka.
Leave a Reply