Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa ka jira kulayl daran kaa soo sababay in waqtiyada qaar uu hakad galo isu socodka dadwaynaha ee magaalada Muqdisho.
Dhibatadaas ka sakow waxa magaalada Muqdisho kulaylka jira uu ku keenay inay dilaacaan cuduro badan sida Shuban biyood iyo daacuun Calooole sida ay sheegeen dhaqaatiirta magaalada Muqdisho.
Tiro badan oo uu soo ritay shuban biyood ayaa la dhigay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho kuwaas oo laga kala keenay degmooyinka magaalada Muqdisho.
Dr. Cabdiweli Axmed Xiirey, maamulka Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir oo faahfaahinaya xaaladaha ay la kulmeen ayaa sheegay in ay ahaayeen bukaanada la dhigay isbitaalka 275 oo bukaan oo shuban biyood ah.
Intaas waxaa uu warkiisa waxa uu warkiisa in 98 ka mid ah uu haleelay Daacuun, iyada oo xaaladahaasi uu ku geeriyooday hal qof sida uu yiri dhaqtarkan oo warbaahinta la hadlay.
Dr. Shaaciye Dool oo isna ka mid ah dhakhaatiirta Muqdisho ka howlgashay ayaa sheegaya in heerkulka socda uu keenay dhibaatada dheefshiidka iyada oo caruurta ay kasoo baxaan finan cascas, isna badalo qaar ka tirsan jirkooda.
Magaalada Muqdisho waxa aad u kordhay , dhibaatada ka dhalatay , kulaylaha ka jira taas oo keentay in digniino badan laga bixiyo kulaylka iyo waxa ka dhalan kara waqtigan oo kale.
Leave a Reply