Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray madaxwaynayaal hore , Ra’iisulwasaariyaal hore iyo madax kale oo dalka xilal ka soo qabtay.
Ujeedka madaxdan ayaaa ah ka qayb galka shir uu ugu baaqay Madaxwaynaha Soomaaliya madax hore ee dalka si uu ugu talagaliyo qodobo ka mid ah shirka Golaha wada tashiga Qaran.
Ka hor shirka ayaa xubnahan waxa ay caawa ku shirsan yihiin hoyga magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Madaxwaynihii hore Shariif Sheek Axmed.
Shirkan waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinur
Mas’uuliyiintan ayaq maanta badankood soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa horay uga soo horjeestay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana ay soo ajiibeen martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxdii hore iyo madaxda hadda hoggaanka dalka haysa.
Leave a Reply