MUQDISHO oo ay ku soo badanayaa falalka amni darro.

MUQDISHO oo ay ku soo badanayaa falalka amni darro.

Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay falal amni darro oo saamayn ku – yeeshay dadka ku nool degmooyinka magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha ah   koox xiran dharka  ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyinka qaar ka bilaabay in ay dhac ka gaystaan

Waxaa soo baxaysa qayla dhaan ay muujinayaan dadka ku nool magaalada Muqdisho , kuwaas oo sheegaya in ay soo kordheen kooxaha dhaca ka gaysanataan caasimadda.

Koox  hubeysan ayaa la sheegay in xalay kaliya xaafado badan oo kuyaalla magaalada Muqdisho dad shacab ah ugu geesteen dhac, waxa ayna ka qaadanayeen moobeelada xilli dakan qaarkood kasoo laabanayeen masaajida oo tarawaiix kusoo dukadeen.

Ciidamada nabad sugida ee ka howlaga degmada Cabdicasiis ayaa la sheegay in dileen mid kamid ah burcad dad shacab ah dhac u geestay halka mid kalana dhaawaceen, waxaa sidoo kale baxsaday kooxo kale oo iyana dhac ka geestay degmooyin kale.

Kooxo  hubeysan oo bilihii lasoo dhaafay laga nabad galay kaddib markii la qabtay qaar badan oo kamid ah ayaa mar kale magaalada dib ugu soo laabtay, waxaana loo aaneenayaa burcada oo intooda badan marka la xiro kaddib si fudud loo soo daayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.