Muqdisho oo meelo hore leh laga xiray & ciriiri ka jira waddooyinka.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo aad u badan ayaa la dhigay waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho si ammaanka loo adkeeyo.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in xoogga ay saari doonaan wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayaan falal amni darro.

Wadada Maka- Al Mukarama ayaa ka mid ah meelaha la soo dhigay ciidamo hor leh iyo wadada hormarta Villa Soomaaliya oo loo diiday dadka shacabka keliya loo ogol yahay in ay maraan kuwa u shaqeeya dowladda.
Wadadaas oo ah waddo muhiim ah ayaa ciidanka la keenay diidaa adeegsigeeda oo markii horeba dhibaato ay ka jirtay .

Waddooyinka muhiim ah ee caasimadda qaarkooda ayaa la geeyay ciidanka amniga taas oo ka danbeysay ka dib cabsiaga qabo in weeraaro Al- Shabaab ay ka gaysteen caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.