XOG : NISA & Ciidanka xoogga oo isku khilaafsan amarka howlgaladda ka socda dalka.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Markii ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Kacdoonka  ay ka baxeen deegaanka Wabxo isla markaana ay ka dhalatay hadal- hayn badan ayaa hadda waxaa soo baxaya war ku saabsan waxa keenay talaabadan.

Amarka ka bixitaanka ciidanka oo uu bixiyay sida la sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa keentay in Hay’ daha ammaanka shaki badan ay galiyaan hufnaanta dagaaalka ka dhanka ah Al – Shabaab ee  ay iska kaashanaya Dowladda iyo dadka deegaanka.

RBC xog uu helay ayaa sheegaysa inuu jir isbarbar- yaac amar oo ku wajahan howlgalka kaas oo ay kala bixinayeen Taliyayaasha Nabad sugidda iyo xoogga dalka , kuna keentay howlgalada culays isla markaana Taliska xoogga uu qaato go’ aanka ah in ciidanka isaga baxaan deegaanka Wabxo ee gobolka galgaduud.

Xogta waxa ay sheegaysaa in si loo saxa amarrada ciidanka ay jiraan kulamo kala duwan oo looga hadlayo laba arin  oo kala ah :

01. In la saxo cida leh hoggaaminta iyo amarka la siinayo ciidanka xoogga dalka ee howlgalka ka wada dalka isla markaana meesha laga saaro khilaafka ka dhaxeeya  Hay’adda NISA iyo Taliska ciidanka xoogga si loogu mira- dhaliyo howlgalada socda.

02. In aan dhicin  markale in  ciidanka  laga saaro deegaan ay kala wareegeen kooxda Al- Shabaab haddii aysan jirin wax riixi kara  si loo ilaaliyo kalsoonida dadka shacabka ah ee iskood isku abaabulay si ay ugu hortagaan kooxda Al- Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Nabad sugidda Mahad Salaad ayaa marar badan la xaqiijiyay in ay isku fahmi waayeen howlgalada socda iyo amarrada la siinayo ciidanka xoogga dalka ee ku jira howlgalka ka  socda meelo badan oo dalka ah.

Maxay tahay Hay’addan NISA?

Sida caadiga ah dalalka adduunka oo dhan waxa hay’addan oo magaceeda loo soo gaabiyo NISA uga dhigan tahay Soomaaliya waaxda sirdoonka u qaabilsan dalka.

Waxaana badanaa lagu yaqaannaa in ay fuliyaan adeeg qarsoodi ah oo sirdoon iyo hawlgallo qarsoon, oo ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay in ay ururiyaan xogta iyo ilaalinta danaha qarankaas.

Waxaana ay u astaysan yihiin in ay dalka ka difaacaan khataraha guud ee waajahaya amniga guud ee dalka iyo muwaadiniinta.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xooga xooga dalka ama Ciidanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waa Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya.[1] Ciidanka xooga dalka waxaa hoggaamiya madaxweynaha wadanka, waxayna masuul ka yihiin amniga, amaanka, jiritaanka iyo xoriyada, sharafta iyo kaladembeynta wadanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.