Mustafa Dhuxulow ‘’ Shaarka Dowladnimo ma aha in la isku handado ‘’

Mustafa Dhuxulow ‘’ Shaarka Dowladnimo ma aha in la isku handado ‘’

Muqdisho (Raxanreeb )  Xidhibaan Mustafa Dhuxulow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la isku handado xilliga shaarka Dowladnimada.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Mustafa Dhuxulow in ciidanka booliska  gobolka Banaadir si sharciga baal-marsan ay weerar ugu qaadeen Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

‘’Hotel Jazeera ma ahan goob ciidan waa bar-kulmisa bulshada qeybaheeda kala duwan, Waa hotel magac weyn ku leh Dalka, Waana sababta dhammaan dadka Soomaaliyeed ay kalsooni ugu qabaan macmiilna ugu yihiin ‘’ ayuu ku yiri qoraalkiisa xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Intaas waxa uu warkiis ku daray in masuuliyad kasta oo ka dhalata weerarkaas aan sharciga waafaqsayn uu qaadi doono Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir .

Leave a Reply

Your email address will not be published.