Hargaysa (Raxanreeb )- Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Hargaysa Somaliland lagu aasay Cabdinaasir Dahable oo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho.
Waxa ka qayb galay aaska marxuumkan oo madax ka tirsan Somaliland oo uu ka mid yahay Muuse Biixi Cabdi , xubnaha xukuumadda iyo dad kale kuwaas oo aad ugu xumaaday dilka.
Madaxwaynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu ugaarsanayo shaqsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee howlaha shaqo u jooga magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in eeda dilka Dahable iyo xildhibaan kale oo Somaliland kasoo jeeday oo maydkiisa hotel Muqdisho ku yaala laga helay ay saarantahay dowlada Soomaaliya.
“Marxuunka maanta aynu aasayno Alle ha u naxariisto, ka kale ee la dilayna wadadii lagu dilay kan aynu aasayno uunbaa lagu dilay oo godobtiisu waa caddahay, labadana waxay saarantahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo inta u talisa” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Waxa uu sheegay in geeridu ay xaqtahay isla markaana raga waligoodba la dili jiray, lakiin sababta ay geerida Dahable dareenka dadka usoo jiidatay ay tahay sida loo dilay oo foolxun.
Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wado baaritaan ku saabsan dilka muwaadinkan ka shaqaynayay Hay’adda Duulista hawada kaas oo maydkiisa laga helay guri uu ka degnaa degmada wadajir ee magaalada Muqdisho.
Leave a Reply