Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa lagu xiray sida warar soo baxaya ay sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA kuwaas oo loo haysto ku lug lahaansha dil loo gaystay AUN Cabdinaasir Dahable.
Dilka sarkaalkan oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista hawada ayaa keenay cara badan waxaana lagu cambaareeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta soo xirtay Mubaarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Mubaarik ayaa ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado baaritaano dheeraad ah oo ku ogaanayso shaqsiyaadka sida gaarka ah ugu lugta leh dilka Sarkaalkan ka tirsanaa Hay’adda duulista hawada.
Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaanaya, xilli aan weli la ogaan cidda dishay marxuumka, maadaama kaligiis uu deganaa guri ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.
Leave a Reply