Muxuu ku saabsanaa kulanka Golaha Shacabka & maamul- goboleedyada?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan isxogwareysi iyo qado la qaatay guddoomiyeyaasha golaha wakiiladda dowladaha xubanaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeenkiisa labaad Mudane Cabdullahi Cali Xirsi (Tima Cadde). Waxaa diiradda lagu saaray shirkan adkeynta wada-shaqeynta golayaasha sharci dejinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo dhammeystiro qabyo-qoraalka dastuurka iyo xoojina shuruucda muhimka u ah dowladnimadda Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyada dalka ayaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo hab-maamuuskii wanaagsanaa ee loo sameeyay, iyagoo soo jeediyay in la badiyo kulamada is-xogwaraysiga ah si loo xoojiyo wadashaqaynta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kullanka hadal ka jeediyay ayaa xusay in la xoojiyo kullamada noocaan ah si la isaga kaashado horumarinta shuruucda muhiimka u ah golayaasha sharci dejinta heer dowlad goboleed iyo heer federaal. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dul istaagay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu gacan weyn ka geeysto sidii dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaarijta.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published.