WAR CUSUB : Faahfaahin laga helayo dagaal ka dhacay deegaano hoos yimaada Moqokori.

Beledwayne ( Raxanreeb) Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor imaad  u dhaxeeyay ciidanka Dowladda  iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ku dhaxmarayb deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori .

Iska hor imaadka ayaa yimid  markii kooxaha deegaanka  ee  Macawiisleeyda iyo kuwo Dowlada weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil u hadashay ciidamada Dowladda Federaalka  Soomaaliya  ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Mabaax.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 20 ka mid ah Ururka Al-Shabaab, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.