Muqdisho (Raxanreeb ) Waaxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulanka Wadatashiga ee u dhaxeeyay Hay’adaha Dastuuriga ah ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.
Sida warbaahinta u aqriyay Afhayeenka Ra’iisulwasaaraha Farhan Jimcaalle dhinacyada ayaa isla soo qaaday arrimo dhawr ah oo ka mid ah , doorashada qof ,, Cod , Nidaamka dimuqraadiyada iyo habka xisbiyada dalka.
Waxaa lagu soo hadal qaaday Warsaxaafadeedka tabashada maamul goboleedka Puntland oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
La dagaalanka Al- Shabaab ayaa qayb ka ahaa qodobada laga hadlay inta uu shirka ka socday magaaalada Muqdisho.
Farxaan Jimcaale ayaa xusay in shirkaas inta badan looga hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, gaar ahaa heshiiska
Sidoo kale waxa uu Farhan sheegay in laga hadlay guddiga doorashada qaranka, mideynta xilhaynta hay’adaha federaalka & kuwa dowlad goboleedyada iyo dib u eegista dastuurka.
Leave a Reply