Laascanood (Raxanreeb ) Kol hore ciidanka Somaliland ayaa duqeyn la beegsatay goobo caafimaad oo ku yaala magaalada Laascanood ee gobolka Sool.
Goobo badan oo caafimaad ayaa burburay ka dib dagaalka labada dhinac ah ee ka socda gobolada , Sool , Sanaag iyo Cayn.
Hay’adda WHO ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay burburka ciidanka Somaliland ay ka gaystaan magaalada Laascanood gaar ahaan xarumaha caafimaad.
Madaxa WHO Tedros Adhanom ayaa qoraal uu ku soo qoray barta twitterka ku sheegay in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii Isbitaalkaas.
“WHO waxay cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood Somaliland, kaasoo sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray madaxa WHO.
Somaliland ayaa dhawr jeer lagu eedeyay in dhibaatooyin bani’adanimo ay ka gaysteen magaalada Laascanood ee gobolka Sool halkaas oo ay isku hayaan dadka deegaanka iyo kuwa Somaliland.
Leave a Reply