Muxuu ma dhalays u noqday shirka DFS & Maamul-goboleedyada ?

Muxuu ma dhalays u noqday shirka DFS & Maamul-goboleedyada ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirka u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan oo ku dhawaad todobaad ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa lagu gofaynayaa mad-madowga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul- goboleedyada.

Sababaha u dheeraday shirkan oo laa iyo hadda aan la soo gaba- gabeyn ayaa ah in la isku mari la’ yahay qodobada qaar ee la xiriira qaybsiga , deeqaha iyo inta u la ekaan karo kabka Dowladda dhexe ay siinayso qaar ka mid ah maamul goboleeyadda.

Ilo dhaw shirka ayaa RBC u sheegay in maamulada qaar ay soo jeediyeen in loola macaamilo sidii ay ula macaamuli jirtay Dowladii Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobada ugu culus ee miiska saaran ayaa ah , lacagta Wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka ay ka hesho Baanka Adduunka oo dhan $100 milyan oo dowlad goboleedyadu ay doonayaan in ugu yaraan 50% laga siiyo.

Wasiirka maaliyadda ee cusub Dr Elmi ayaa arintan aad uga soo horjeestay taas oo keentay in shirka uu dhaafo waqtigii loogu tala- galay in la soo gaba gabeeyo si loogu soo saaro warmurtiyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xilka la wareegay iyada oo saddex dowlad goboleed si toos ah ugu xirnaayeen Dowladdii ka horeysey, halka Puntland iyo Jubaland ay ahaayeen mucaarad.

Shirkan aan mira dhallin ee ka socda magaalada Muqdisho oo la isku mari la’ yahay waxaa bar barsocda xurguf siyaasadeed oo u dhexeyso dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo kala shaki iyo mad- madow soo kala dhex-galay, kadib soo dhisidii xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.