Muxuu yahay safarka Aadan Madoobe

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ah u ambabaxo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wafdi hordhac u ah safarka Guddoomiyaha ayaa shalay gaaray degmada Xudur, waxaana halkaasi ka socota qaban-qaabadii u dambeysay ee soo dhaweynta Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi uu horkacayo.

Ujeedka safarka guddoomiyaha Golaha Shacàbka ee degmada Xudur ayaa lagu sheegay u kuur-gelida xaaladda nololeed ee bulshada degmada iyo la-tashiyo uu saraakiisha ciidamada kala sameeynayo sida loo bilaabi karo howl-gallada ka dhanka ah Aĺ-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in safaarka guddoomiye Aadan Madoobe uu sidoo kale qeyb ka ah diyaarinta shirka dib u heshiisiinta bulshada deegaannada Koonfur Galbeed ee uu dhawaan ku dhawaaqay.

Safarkaan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu amray Lafta-gareen in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah aysan imaan karin deegaanada maamulkaasi.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka ayaa waxay ka mideysan yihiin in Lafta-gareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.