Ciidamada dowladda oo deegaan cusub ka qabsaday Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Deeganka Alkowthar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee Al-shabaab ayaa waxaa goordhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xooggaga deegaanka ee Macawiisley.

Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyay qabashada Al-kowthar waxaana uu intaas ku daray in looga daba tagayo goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Degaanka Al-kowthar ayaa ka tirsan degmada Aadan Yabaal waana deegaankii ay ku sugnaayeen Al-Shabaabkii laga saaray degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay isku aruursanayeen hase yeeshee Ciidanka dowladda ay Maanta la wareegeen.

Weli degaano badan oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo, iyada oo Ciidamada dowladda ay ksuii siqayaan degaano dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.