MW Xasan muxuu u sababayeey inuu adkaan doono xiriirka Afrika & Roma?

MW Xasan muxuu u sababayeey inuu adkaan doono xiriirka Afrika & Roma?

Roma (Raxareeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu adkaan doono xiriirka Afrika iyo Taliyaaniga loona baahan yahay in la yimaado qorshihii ku hagaagi lahaa.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qayb galaya shirka Taliyaaniga iyo Afrika ayaa sheegay in wali ay jirto dal jecel inuu ku xad gudbo dal kale taasna ay keeni karto inuu xumaado wada shaqaynta Afrika iyo Taliyaaniga.

Hadalkan oo ah mid duurxul ah ayaa madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ugu gol lahaa  xiriirka sii xumanaya ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib heshiiskii MoU ee Somalind iyo Itoobiya oo buuq badan dhaliyay.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeena ‘’ ayuu  ka sheegay shirka madaxwayne Xasan Sheekh.

Madaxweyaha ayaa  sheegay in la xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista iyo  cunaqabateynta hubka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.