Tartanka Cayaaraha :  Ma is- dhaxgal bulsho ama awoodsiin Qabiil ?

Tartanka Cayaaraha :  Ma is- dhaxgal bulsho ama awoodsiin Qabiil ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gaba gabeeyay tartan kubadda cagta ee gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada kaas oo ay ka maqnayeen maamul goboleedyada Puntland iyo koonfur Galbeed.

Maqnaanshaha labada maamul goboleed ayaa macna tiray markii horeba ,  tartanka waxaana intaas dheer intii uu socday in dadka ay  u kala baxeen qabiilo ilaa  jufooyin iyo  in deegaanada la kala xigsado.

Baraha bulshada iyo goobaha kale ayaa si aad ah u camiray ka hadal qabiilada maamul goboleed kasta oo ay weheliyaan sheegasho  deegaan iyo dad gaar ah , tani waa mid kale oo diwaan tartanka uu galay intii u socday.

Magaalada  Muqdisho ayaa ah meesha ugu badan ee  ay ka soo ifbaxday saansaanta qabiilka  ka dib markii dhawaan baraha  bulshada ay qabsadeen hadalo xanaf lahaa oo ay jeedisay Guddoomiyaha haweenka ee Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab.

‘’Reer gobol waa laga saara Xamar , awlaadul caasimaha  ayaa nahay  Xamar anagaa u dhalanay‘’ iyo erayo kale ee la adeegsaday intii cayaaraha ay socdeen  ayaa keenay in ay sii xumaado xaaladda  taas oo dad badan ay ku kala fogaadeen.

Koonfur Galbeed cayaartooydii ka socotay ayaa dab ku sii shiday xaaladda markii dad reer Muqdisho sheegta  dhagaxaan ay huween waxyar uun ka dib markii ay la cayaareen cayaartoyda gobolka Banaadir.

Waxa ay sheegeen siyaasiin ka soo jeeda KGS in la cusiriyeeyay kooxdooda oo la is xijiyay lahaanshaha gobolka Banadir , tanina waa mid kale oo ay ka dhalatay nacaybka cayaaraha maamul goboleedyada.

Meelaha qaar waxaa dadku ay ku sigteen in ay isu gacan qaadaan ka dib  markii ay  madax martay taageernimada ku dhisan reeraha ee tartanka  ku soo idlaaday  magaalada Muqdisho.

Looma arko cayaartan  la soo gaba- gabeeyay mid mug leh  sabab la xiriirta sida uu ku bilowday  oo dad badan tusisay halka wali dadka ay ka taagan yihiin qabiilka marka lagu daro maqnaanshaha maamulada kalena waxaba  micna tiray caayaraha dambe ee la qaban doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.