Sanbaloolshe oo tegay jiidda hore ee dagaalka Hiiraan

Sanbaloolshe oo tegay jiidda hore ee dagaalka Hiiraan

Muqdisho (Raxanreeb) Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa haatan tegay deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab, isaga oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sanbaloolshe oo ka soo hadlay jiida hore ee dagaalka ka socda gobolka hiiraan ayaa boggaadiyey ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo dhoweeyey tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada dowladda oo deegaanno horleh kula wareegay howlgallada ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

“Cadowgu isagaa naga il helay, hadda waxaan leenahay annaga ayaa ka il helnay oo aan farsamadiisa iyo fuleynimadiisa baranay,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbooloshe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ay u tegeen deegaannadaas ay tahay inay garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sidoo kale guul weyn u rajeeyey.

“Guul ayaan idin rajeyneynaa, sababta meeshaan loo yimid waxa ay tahay dhaxantaan iyo kaligiin meeshaan inaanan joogin madaxdii Soomaaliya u sarreysay inay meeshaan timaado, waana idin garab taaganahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sanbaloolshe.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa duleedka Matabaan ka socday dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo jab xoogan gaarsiiyeen kooxdaas.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana howlgalladaan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan si weyn looga dareemayaa deegaanada gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.