Nairobi oo Lagu Diyaarinayo Shirweyne Daarood

Nairobi oo Lagu Diyaarinayo Shirweyne Daarood

Nairobi (Raxanreeb Online): Magaalada Nairobi waxaa ka socda qabanqaabada shirweyne ay ka qeyb geli doonaan siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Daarood, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa sida xogta lagu helayo waxaa abaabulkiisa qeyb weyn ka qaadanaya siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Puntland iyo Jubbaland, waxaana la filayaa in looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka hannaanka doorashooyinka.

Sida wararka lagu helayo, shirweynaha ayaa lagu doonayaa in laga gaaro go’aanno waaweyn oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan haddii aysan Dowladda Federaalka iyo mucaaradka heshiis ka gaarin wada-hadallada ay wadaan dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ah.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u muujiyay mowqif ah in haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin doorashada, ay qaadi karaan tallaabooyin kale oo siyaasadeed, oo ay ku jiraan qabashada doorashooyin iyo sameysashada hannaan dowladeed oo ka duwan kan hadda jira.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Soomaaliya ka socdaan dadaallo lagu doonayo in Dowladda Federaalka iyo mucaaradka lagu heshiisiiyo, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.