Galgaduud (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dugsiga Tababarka Xananbuure tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha waxaa munaasabadda ku weheliyay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta ayaa daawaday bandhig iyo dhoolatus lagu soo bandhigay xirfadaha ay ciidamada soo barteen muddadii ay tababarka ku jireen.
Xasan Sheekh ayaa ciidamada faray inay dardargeliyaan dadaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin sugidda nabadda iyo xasilloonida dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ciidamada kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay heleen u beddelaan karti wax-ku-ool ah oo ay ugu adeegaan dalka, isagoo xusay muhiimadda diyaargarowga, isku-duubnida iyo mas’uuliyadda ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa isna ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan sumcadda iyo karaamada ciidanka, isla markaana muujiyaan isku-duubni, mas’uuliyad iyo u-heellanaanta waajibaadka qaran.
Ciidamadan oo laga soo qoray dhammaan gobollada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay yihiin ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe, iyagoo qaatay tababbarro la xiriira xirfadaha ciidanka, anshaxa iyo xeerarka ciidamada, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran.























Leave a Reply