NAIROBI : Rabashado ayaa ka dhacay magaalooyin ka mid ah Kenya

NAIROBI : Rabashado ayaa ka dhacay magaalooyin ka mid ah Kenya

Nairobi (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas goordhaw ay ka bilowdeen rabashado.

Waxaa horkacaya rabashadahan hoggaamiyaasha mucaaradka dalka Kenya oo ku baaqay maanta oo Arbacaha ah dibadbaxyo waawayn oo ka dhan ah xukuumada Rutu.

Ciidanka amniga Kenya ayaa dadaal ugu jira sidii ay ugu hortagi lahayeen rabashadahan oo ku faafay magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Kenya.

Dad ku sugan magaalada Nairobi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool  farta wadnaha ay ku hayaan cabsi ay ka qabaan dibadbaxaydan dartooda.

Toddobaadkii tegay, dibad-baxyo ka dhacay magaalooyin dhowr ah ayaa isu rogay rabshado, ayada oo lix qof lagu dilay, sida ay sheegeen wasaaradda arrimaha gudaha.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey booliska inay awood u adeegsadeen dibad-baxayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.