Nasri Warsame ayaa looga adkaaday doorshada kursiga 10-aad

Nasri Warsame ayaa looga adkaaday doorshada kursiga 10-aad

Minneapolis (Raxanreeb) Doorashada kursiga 10-aad ee xaafada Minneapolis ayaa xalay soo idlaatay waxaana doorashada kursigaas looga adkaaday musharaxa Nasri Warsame oo ah wiil soomaaliyeed oo badi dadka ey aaminsanaayeen in uu kusoo bixi karo kursigaas.

Sidoo kale, doorashada kursiga 10-aad ee Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa aheyd mid si weyn loo hadal haayay in uu kuguuleesan karo musharax Nasri Warsame.

Dhanka kale, kursigan ayaa waxaa ku guuleestay gabar lagu magacaabo  Aisha Chughtail oo asalkeedu yahay Hindi iyadoo gabadhan ey heshay codadka ugu badan.

Musharax Nasri Warsame oo ahaa wiil Soomaaliyeed oo u tartamaayay kursigan ayaa galay kaalinta seddexaad ee natiijada kursigan.

Ugudambeyn, Nasri Warsame ayaa cadaadis badan kala kulmay siyaasiyiin Soomaali Mareykan ah iyo dad kale oo Soomaaliyeed oo qabiil ahaan uga hiiliyay, waxa uuna musharaxan galay maalmihii lasoo dhaafay olole xooggan ,inkastoo uusan hadda guuleysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.