Nin ka soo goystay AS oo fuliyay weerarkii lagu laayay saraakiishii UAE.

Nin ka soo goystay AS oo fuliyay weerarkii lagu laayay saraakiishii UAE.

Muqdisho (Raxanreeb ) Xog dheeraad ah  ku saabsan  dhacdadii lagu laayay saraakiil Imaraad ah ayaa soo baxaysa waxaana askariga uu ahaa  kuwa ilaaliya amniga xerada Gordon ee Muqdisho.

Askariga weerarka fuliyay ayaa lagu Magacaaba  Xasan Maxamed, kaas oo dilay saraakiil sar sare oo imaaraad ah  kuwaas oo tababaro siinayay ciidanka Dowladda Soomaaliya .

2021-kii ayaa la sheegay inuu  kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, ka dibna uu ku biiray , ciidanka cusub oo uu tababarayo Imaaraadka Carabta .

Warar  soo baxaya ayaa sheegaya in askarigan oo  ka yimid degmada Xudur ee gobolka Bakool inuu damaanadiisa ku qoran yahay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxame Nuur (Jaamac).

Askarigan ayaa la sheegay in  toogasho uu ku dilay saraakiil , muhiim ah oo ka tirsnaa imaaraadka carabta , taas  oo keentay in madaxwaynaha Soomaaliya uu soo fara galiyo arintan.

Lama oga sida ay arrintaan ku suuragashay, maadaama la laayay saraakiil muhiim ah oo isugu jiray Soomaali iyo Imaaraad ,waxaana   socda  baaritaan arintan ku saabsan .

Leave a Reply

Your email address will not be published.