DENI & Diyaano oo dhamaynaya khilaafka muddo dheer soo jiray.

DENI & Diyaano oo dhamaynaya khilaafka muddo dheer soo jiray.

Garoowe (Raxanreeb )  – Madaxwaynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku dhameeyo dhamaan khilaafaadyada ka dhashay doorashadiisa.

Si gaar ah waxa la sheegayaa inuu doonayo in shir gaar ah Madaxtooyada uu kula qaaday Maxamuud Diyaano oo  in muddo ah uu soo jiray khilaafkooda ilaa iyo hadda aan lagu guulaysan in labada dhinac miiska wada- hadalka ay isugu yimaadaan.

Waxa uu ka dhici doonaa maalmaha soo socda shirka Deni iyo Diyaana Madaxtooyada ,halkaas oo dhinacyada ay kala qayb gali doonaan xubno  u kala dab qaadayay labada dhinac.

Shirkii u danbeeyay ee dhexmaray Siciid Deni iyo Maxamuud Diyaano ayaa xarunta Madaxtooyada Boosaaso ka dhacay 4 March 2022 waxaana la sheegay in lagu xalliyay xiisaddii Madaxtooyada iyo PSF.

Isla habeenkaas 4 March ayuu Madaxweyne Deni shaqadiisi dib ugu celiyay Maxamuud Diyaano kadib markii ay socon weyday xilka qaadistii uu ku sameeyay 24 Nov 2021 taasi oo sababtay dagaalkii Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.