NISA oo sheegtay in howlgal ay ku dishay 22 xubnood oo katirsan kooxda AS

NISA oo sheegtay in howlgal ay ku dishay 22 xubnood oo katirsan kooxda AS

Hiiraan (Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu faah faahiyay howlgal saacadihii lasoo dhafay ay ciidanka NISA, ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

Hay’adda ayaa sheegtay in ciidanka NISA, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgallo qorsheysan la beegsadeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 22 xubnood oo ku howlanaa abaabulka isku dayo lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka NISA, ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, halkaasna lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

“Weerarka Dumaaye waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogeyaasha kala ah: Xudeyfa Galinle (gacanyarihii Wakiilka Mudug), Qataatow (madaxii hore ee maleeshiyaadka Mudug), Cabdiraxmaan Garwayne (madaxii marin-habaabinta deegaanka Jowle), Daahir (madaxii baadda ee Dumaaye iyo Dabagalo) iyo Cabdiwali (horjoogihii hore ee maleeshiyaadka Bacaadweyne)” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ugu dambeyn Hay’adda NISAx ayaa tilmaamtay in ay dardargalisay howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab iyo Daacish, si looga sifeeyo dhammaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ee gobollada dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.