Twitter oo  Blue Tick  siyaasiin & Hay’ ado kala laabtay & Hab dhaqanka Elon Musk

Twitter oo  Blue Tick  siyaasiin & Hay’ ado kala laabtay & Hab dhaqanka Elon Musk

NewYork (Raxanreeb ) Twitter ayaa acounno badan oo ay ku jiraan kuwo dad caan ah iyo hay’ado dowladeed iyo kuwo aan dowli ahaybe ay leeyihiin waxa ay kala laabatay blue checkmark oo mar ahayd calaamad sharafeed.

Arrinkani waxa uu dhacayaa kadib markii ay Twitter milkiile cusub u gacan gashay ee uu la soo shirtegay shuruuc cusub oo Twitter lagu dhaqi doono.

Musk wuxuu sheegay in qiimaha Twitter Blue uu u kala duwanaan doono dalal kala duwan iyadoo ku xiran tahay “isku-dhafka awoodda wax iibsiga”.

Cid kaste oo hadda lagala noqday blue checkmark waxa ay kartaa in ay ku dadaasho helista calaamadda Gray badge oo ah checkmargga hey’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn iyo madaxdooda.

Ama waxa ay bixin karaan lacag si bille ah si loo siiyo blue checkmark. Haddiise ay ganacsi yihiin waxa ay coddsan karaan gold checkmark. Oo ganacsiyada caanka ah loogu talogalay.

Adeegga rukunka Twitter-ka ayaa sidoo kale kuu ogolaanaya inaad akhrido maqaallada xayeysiiska ah, wax ka beddelka tweets, iyo in ka badan. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Twitter Blue halkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.