PUNTALND ‘’ Dowladda Hindi ayaa weerar ku qaaday koox Burcadbeed ah’’

PUNTALND ‘’ Dowladda Hindi ayaa weerar ku qaaday koox Burcadbeed ah’’

Garoowe (Raxanreeb ) – Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa meel ka baxsan  biyaha Soomaaliya waxay ku  haystaan Markab ay soo afduubteen si ay ugu qaataan lacag madax furasha ah.

Ciidanka badda dalka Hindiya ayaa  weerar culus ku qaaday burcad-badeeda Soomaalida ee afduubka ku heesata markabka  MV Ruen, kaa oo laga soo afduubtay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Maraakiibta dagaalka Hindia ayaa la xaqiijinayaa in weerar ay ku qaaday kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ee qafaashay Markaabkaas taas oo qayb ka ah qalqalka kooxahaas ay ku hayaan marin biyoodka caalamiga ah.

Inuu dhacay weerarkan waxaa xaqiijiayy maamul goboleedka Puntland oo shaaciyay in weerarkaas la doonayay in lagu soo furto markabka  gacanta ugu jira kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yasiin Saalax ayaa sheegay in iska hor imaad xooggan uu dhax maray ciidamada badda dalka Hindia iyo burcad-badeeda afduubka u heesata markabka.

Ciidanka badda dalka Hindiya ayaa isku dayay in ay soo bad baadiyaan bad-maaxiyiinta la socota markabka la afduubtay, waxa ayna weerar dhowr jiho ah ku qaadeen markabka burcad-badeeda u afduuban oo ku sugan xeebaha Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa dhankeeda ciidan gaysay Garacad iyo degaannada kale ee ku teedsan badda Hindiya, si ay isugu dayaan in ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqa ka socda degaannada iyo markabka in uu ku soo xirto xeebaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.