Digniin amni  oo hor leh oo soo baxaysa & baaq loo diray madaxda dalka.

Digniin amni  oo hor leh oo soo baxaysa & baaq loo diray madaxda dalka.

Muqdisho (Raxanreeb )- Kooxda Al- Shabaab ayaa maalin ka hor weerar u muuqday inuu ahaa mid qorshaysan waxay ku qaaden Hotel-ka SYL oo kaabiga  ku haya Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkaas oo la soo afjaray ayaa hadana waxaa soo baxaya digniin kale oo ku aadan dhanka amniga oo ay suurtagal ay tahay in weeraro kale  kooxda Al- Shabaab ay ka gaysto gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxwaynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xilligan kooxda Al- Shabaab weerar ay ku qaadaan meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal uu ku qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Weerarkaan arxan darrada ah ee argagixisadu soo qaaday iyadoo lagu guda jiro bishaan barakeysan ee Soonqaad, waxay cadeyn u tahay heerka ay ka taagan yihiin diinta iyo cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed ‘’.

Sheekh Shariif ayaa u duceeyey oo caafimaad Alle uga baryey shacabkii iyo masuuliyiintii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarka, kuwii dhintana naxariista Rabbi.

Gabagabadii qoraalkiisa wuxuu Sheekh Shariif farriin u diray dowladda, isagoo ugu baaqay in waxyaabaha kale oo dhan ay meel iska dhigto ee amniga muhiimada koowaad la siiyo, si loo badbaadiyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 Si kastaba , hadalka Shariif  ayaa imaanaya , iyadoo magaalada Muqdisho kooxda Al- Shabaab ay ka gaysteen  weeraro maalin qaatay kaas oo ay ku waxyeeloobeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.