PUNTLAND : Askar lagu dilay maanta qarax miino

Boosaaso (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka – helayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas qarax miino lagula eegtay askar ka tirsan ciidanka maamulka Puntland.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday qaraxan shan askari halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen , waxa ayna ciidankan dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka tirsanayeen ciidanka PMPF ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen miino kula kacday deegaanka Sugure ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Isbitaalka magaalada Boosaaso ayaa la dhigay askarta ku dhaawacmay weerarkaas ciidanka lala eegtay maanta kuwaas oo qaarkood xaaladooda ay aad u liidato.

Ma jirto cid weli sheegatay qaraxan, hase yeeshee buuraleyda Galgala waxaa muddo 10 sano ka badan dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo koox ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha maamulka Puntland wali wax faahfaahin dheeraad ah ma aysan ka bixin qaraxan miino ee lala eegtay ciidankaas oo ku howlanaa sida la sheegay howlgal ay ku bacsanayaan Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.