Muqdisho (Raxanree ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah u safray magaalada Kambala ee dalka Uganda , iyadoo dalka uu ku jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah Al- Shabaab.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dalka Uganda kula kulmi doono madaxda dalkaas oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Ugand Yuweri Mosavani iyo madax kale.
Ilo ku dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxwaynaha uu galangal ugu jiro sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Guddiga Bulshada Barriga Afrika
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Soomaaliya , ayaa dalka Uganda aaday xili laga sugayay inuu gaaro deeganada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab ee ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmo ka hor la kulmay golaha wasiirrada ayaa ka codsaday in shaqada ugu badan ee xukuumadda laga dhigo dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Ciidamada ugu badan ee ATMIS ayaa ah Uganda, waxaana howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya la dhaliilayay dowrka ay ku leeyihiin dagaallada ka socda bartamaha waddanka.
Leave a Reply