PUNTLAND ‘’ Kalluumaysiga sharci darrada ah waan ka hortagaynaa ‘’.

PUNTLAND ‘’ Kalluumaysiga sharci darrada ah waan ka hortagaynaa ‘’.

Garoowe (Raxanreeb ) –Laamaha amniga maamulka Puntland  ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo ka dhan ah kooxaha shisheeyaha ah ee sida sharci darrada uga  kulluumaysanaya xeebaha Puntland.

Arintan  ayaa ka  danbeysay ka dib markii ciidanka gacanta ay ku dhigeen kooxo burcad ah oo dhibaato ku hayay  xeebaha Soomaaliya waxaana socda howlgalo lagula dagaalamayo kooxahaas.

Hay’adaha  amniga maamul goboleedka  Puntland ee Gobolka Karkaar ayaa degaanka Dhalinbaar oo ka tirsan degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar ku qabtay raggaasi oo ku eedaysan kalluumeysi sharci-darro ah.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in kalluumeysatada reer Yemen ee gacanta lagu dhigay ay si sharci-darro ah kalluun uga guranayeen xeebaha Gobolka Karkaar.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha garsoorka loo gudbin doono eedaysanayaasha si loo mariyo sharciga.

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay ugu soo horjeedaan kooxaha kalluumaysiga sharci darrada ku haya xeebaha maamul goboleedka Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published.