Puntland oo Ciidamo Federaalka ah Ku Biirisay Ciidankeeda

Puntland oo Ciidamo Federaalka ah Ku Biirisay Ciidankeeda

Puntland (Raxanreeb Online): Puntland ayaa sii wadda soo xerogelinta ciidamada mushaharka ka qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa deegaanno ka tirsan Puntland.

Puntland ayaa si rasmi ah ciidamadeeda ugu biirisay ciidamo ku sugnaa deegaanka Kur-ilaalo ee gobolka Karkaar, kuwaas oo sida xogta lagu sheegay ka amar qaadanayay mid kamid ah siyaasiyiinta taageera Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Gobollada Mudug, Karkaar iyo Bari ayaa hadda kamid noqday deegaannada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada la xiriira ciidamada Federaalka, iyadoo Puntland ay waddo qorshe ay ku mideyneyso ciidamada ku sugan deegaanadeeda.

Tallaabadan ayaa loo arkaa guul siyaasadeed iyo mid amni oo u soo hoyatay maamulka uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.