Dufcaddii 5-aad ee Darawiishta oo Tababar Loo Soo Xiray

Dufcaddii 5-aad ee Darawiishta oo Tababar Loo Soo Xiray

Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Madaxa Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia), Kęstutis Lančinskas, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta.

Ciidamada ayaa tababarka lagu baray anshaxa ciidannimo, fulinta howlgallada khatarta ah, maaraynta hubka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo sidii gargaar loo siin lahaa ciidamada iyo shacabka waxyeelladu kasoo gaarto goobaha dagaalka.

Tababarka ayaa sidoo kale loogu talagalay in ciidamada laga dhigo kuwo isku duuban, ilaaliya nidaamka iyo kala dambeynta, isla markaana u shaqeeya si waafaqsan habraacyada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa ciidamada qalin-jabiyay ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen, isagoo kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta iyo anshaxa ciidanka, dhowraan sharciga, isla markaana waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.