Qodobada ka soo baxay shir Isimada SSC ay ka wadeen Garoowe .

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada – Garowe ee xarunta maamulka Puntland  wax aka soconayo kulamo ay leeyihiin ismidama  gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn , kuwaas oo ka hadlaya xaalada magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Xubnaha ku sugan magaalada Garoowe ayaa halkaasi kulamo duwan yeeshay madax kala duwan oo ay gaarsiiyeen xaalada hadda ay ku sugan tahay magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Isimada ayaa la kulmay madax dhaqameed uu kamid ah Islaaan Ciise Islaan Maxamed iyagaa iska xog wareystay xaaladda guud ee deegaanada gobolka Sool.

Odayaasha dhaqanka Gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn ayaa sidoo kale waxa ay magaalada Garoowe ay kula kulmeen Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash oo ay ka wada hadleen xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah dilalka  ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood.

Wafdi kasocda dawladda Itoobiya ayaa Isimada sidoo kulan waxa ay kula qaateen magaalada Garowe oo ay ka wada  hadleen dagaalka ka socda gobalka Soo loo duulaan ku soo qaaday ciidanka Somaliland

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xalwaara loo heli lahaa, ayna soo dhageysteen labada dhinac ee kala ah Somaliland iyo dhaqanka SSC.

Leave a Reply

Your email address will not be published.