Garoowe (Raxanreeb Online): Dowladda Puntland ayaa shaacisay Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad (2026–2030), kaas oo lagu qorsheeyay in lagu maalgeliyo guud ahaan $1.78 bilyan afarta sano ee soo socota.
Qorshahan ayaa diiradda lagu saaraya sidii Puntland loo gaarsiin lahaa dhaqaale kobcaya, shaqo-abuur, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo isku-filnaansho, iyadoo bartilmaameedku yahay in la gaaro horumar muuqda marka la gaaro sannadka 2030.
Qorshaha ayaa ku dhisan shan tiir oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:
Maamul loo dhan yahay, caddaalad iyo amni.
Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.
Horumarinta adeegyada bulshada iyo isku-filnaanshaha aadanaha.
La-qabsiga isbeddelka cimilada.
Xoojinta awoodda iyo adkeysiga bulshada.
Qorshaha ayaa la sheegay in ay si wadajir ah uga qeyb qaateen Dowladda Puntland, bulshada rayidka ah iyo UNDP, iyadoo la isku dayay in qorshuhu ka tarjumayo baahiyaha iyo mudnaanta bulshada.
Waddooyin iyo kaabayaal dhaqaale
Mid kamid ah mashaariicda ugu waaweyn ayaa ah 3G Corridor-ka Garacad–Gaalkacyo–Galdogob, kaas oo loo qorsheeyay lacag dhan $302 milyan, iyadoo waddadu dhererkeedu yahay ku dhowaad 300km.
Sidoo kale, $125 milyan ayaa loogu talagalay dhismaha ku dhowaad 400km oo waddooyin cusub ah iyo dayactirka 500km oo waddooyin kale ah.
Kalluumaysiga iyo wax-soo-saarka gudaha
Qorshaha ayaa sidoo kale xoogga saaraya kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo abuurista warshado.
Waxaa kamid ah:
$10 milyan oo loogu talagalay warshado lagu farsameeyo kalluunka oo laga dhiso Bareda, Eyl iyo Garacad.
$3 milyan oo loogu talagalay dhismaha warshad lagu farsameeyo hilibka.
$600,000 oo loogu talagalay dhismaha saddex xarumood oo caanaha lagu farsameeyo.
Haddii qorshahan si buuxda loo fuliyo, Puntland waxay rajaynaysaa in maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka gudaha iyo adeegyada bulshada ay kordhiyaan shaqo-abuurka, ganacsiga iyo isku-filnaanshaha dhaqaalaha.
Si kastaba, caqabadda ugu weyn waxay noqon doontaa helitaanka $1.78 bilyan iyo awoodda lagu fulinayo mashaariicda, maadaama qorshe horumarineed uu natiijo dhab ah yeelanayo keliya marka maalgelintiisa iyo hirgelintiisu noqdaan kuwo joogto ah.

Leave a Reply